Cabdirisaaq Caato oo noqdey Scaramucci-gii Soomaaliya

Published: August 1, 2020
Bidix Cabdirisaaq Caato, Midig Anthony Scaramucci

Dhawaan ayey ahayd markii Raysalwasaaraha kumeel-gaarka ah Mahdi Guuleed uu xilkii ka qaadey Xoghayhiii joogtada ahaa ee xafiiska raysalwasaaraha kadib markii raysalwasaare Kheyre xilka baneeyey, waxaana uu xilkaas u magacaabey Cabdirisaaq Xuseen Aaden (Caato) oo ahaa Agaasime kuxigeenka madaxtooyada Villa Somalia.

Cabdirisaaq Caato ayaa saddex maalmood ka hor xilka kala wareegey Xoghayihii xafiiska raysalwasaaraha.

Nasiib darro maanta ayaa isagana xilkii laga qaadey si lamid ah Anthony Scaramucci oo Trump u magacaabey Kommunikayshanka kadib laba maalmood xilkaas ku waayey.

Mahdi Guuleed ayaa xilka Xoghayaha joogtada ah u magacaabey Mucaawiye Sheekh Ibraahim, waxaana xafiiska uu baneeyey raysalwasaare Kheyre noqdey goob jaahwareer ka taagan yahay, halka Mahdi uu ku mashquulsan yahay magacaabista xilal badan iyo cayrinta saaxibadii Xassan Cali Kheyre.

Sababta xilka looga qaadey Cabdirisaaq Caato ayaa ah in uu ku xadgudbey Yaxye Cali oo ka tirsanaa Xafiiska rayslawasaare Kheyre ahaana saaxib dhaw waxaana uu horey u uga soo shaqeeyey wasaaradda arrimaha gudaha. Yaxye ayaa xiriir dhaw la leh Raysalwasaare hore Xassan Cali Kheyre.

Yaxye oo maanta soo galey madaxtooyada isaga oo ku jeeda hoyga Raysalwasaare Kheyre ayaa la sheegayaa in Cabdirisaaq Caato ku dalbdey ciidamo codsadeyna in gaariga laga dhigo oo uu sheegay in xafiiska raysalwasaaruhu lee yahay gaariga.

Waxaa muuqata in dagaal culus lagu qaadey saaxiibadii iyo shaqaalihii xafiiska Raysalwasaare Kheyre, waxaana ugu danbeeyey Agaasimihii Warfaafinta Cali Nuur oo xilkaas iska casiley kadib markii loo sheegay in xafiiskiisa la hoosgeeyey kan Madaxweynaha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Riwayady kheyre iyo framaajo buu run modey oo ceyrsadey kheyre saxibadisa Caato…asagaba xilky laga xayubiyey ,,,shekady Putin iyo Medvedev oo kalle baa mesha kasocota. Oo kofida lakala waregy rabo hady kheyre lodorto.