
Guddiga kumeel-gaarka doorashooyinka Puntland oo maanta si rasmi ah usoo gunaanaday diiwaangelinta ururada siyaasadda Puntland, ayaa ku dhawaaqay tirada ururada sida saxda u buuxiyey shuruudaha.
Guddiga ayaa tartan seddex wareeg qaatay iyo qiimayn kadib waxay ku dhawaaqeen inay 10 urur usoo gudbeen wareegii ugu dambeeyey kuwaas oo kasoo baxay 17 urur siyaasadeed oo bilowgii hore is-diiwaangeliyey.
Guddoomiyaha guddiga kumeel-gaarka doorashooyinka Puntland, Guuleed Saalax ayaa ku dhawaaqay magacyada 10ka urur siyaasadeed ee sida rasmiga loo aqoonsaday kuwaas oo ugu dambayn afti dadweyne lagu kala saari doono.
Magacyada tobonka urur siyaasadeed waxay kala yihiin:
- Urur siyaasadeedka runta iyo cadaalada
- Urur siyaasadeedka shaqaalaha
- Urur siyaasadeedka dhalinyarada
- Urur siyaasadeedka cadaaladda iyo sinnaanta
- Urur siyaasadeedka Kaah
- Urur siyaasadeedka Mideeye
- Urur siyaasadeedka Mustaqbal
- Urur siyaasadeedka Himilo
- Urur siyaasadeedka Horseed
- Urur siyaasadeedka Ifiye

Horseed Media