Dowlada Soomaaliya Oo Dalka Kusoo Celisey Muwaadiniin Ku Xirnaa Iran

Published: August 2, 2020

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay in dib dalka loogu soo celiyo muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xirnaa xabsiga dalka Iran.

Muwaadiniintan oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa tiradoodu ahayd 11 qof, waxaana la xiray xili ay si sharci darro ah uga gudbayeen xadka ay Iiraan la leedahay Waddamada Turkiga iyo Ciraaq, sida uu sheegay Ambassador Awliyo oo ay dowladdu u xil-saartay inuu ka keeno Iiraan.

Qaar kamid ah muwaadiniinta oo saxaafada kula hadlay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay inay dhowr billood ku xayirnaayeen dalka Iiraan kadib markii xabsiyada laga siidaayay, sababo la xiriira covid19.

Waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay kusoo laabtaan ciidooda ayna dareemayaan in isbedel dowladdeed oo ka duwan markii ay dalka ka tagayeen.

Siidaynta iyo keenista muwaadiniintan waxaa gacan ka geystay xafiiska gaarka ah ee xuquuqda carruurta & tahriibayaasha iyo hay’adda socdaalka adduunka ee IOM.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *