Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Sheegtay Xiliga La Furayo Safarada Dibadda

Published: August 2, 2020

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in maalinta Isniinta ee 03/ogoosto/2020 dib loo furayo safaradda dibadda dalka oo horey loogu xiray xayiraadaha cudurka covid19.

Waraaq kasoo baxday hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay iyadoo la fulinayo go’aankii golaha wasiiradda Soomaaliya kasoo baxay khamiistii 30/Luulyo/2020 in dib loo furi dooni dhamaan bar-xuduudedyada rasmiga ee socdaalka dalka.

Dhanka kale hay’adda socdaalka ayaa xustay in qofka socdaalka ah ee soo galaya dalka looga baahnaan doono inuu heysto shahaadada caddeynaysa in uusan qabin caabuqa Covid19.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *