Madasha Xisbiyada Qaran Oo Sharci Darro Ku Tilmaamay Ansixintii Golaha Garsoorka

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa walaac ka muujiyey tallaabooyinka sharci darrada ah ee ay xukuumadda xilka sii heysa ku ansixiyeen golaha adeegga garsoorka iyo hay’adda batroolka.

War-murtiyeed kasoo baxay madasha ayaa lagu sheegay in xukuumadda hadda jirta ay tahay xukuumad xil-gaarsiineed, isla markaana aanay laheyn awood sharciyeed oo ay ku qaadan karto go’aano masiiri ah.

Madasha ayaa madaxweyne Farmaajo uga digeen inuusan xubnahan wareegto kusoo saarin.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media