Deni: Hantida Dadka Soomaaliyeed Cidii Gadata Iyadaa Masuul Ka Noqon – VIDEO

Published: August 2, 2020

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo xalay khudbad ka jeediyey munaasabad ka dhacday Gaalkacyo oo lagu xusayay aas’aaskii Puntland ayaa ka hadlay go’aankii xukuumadda xilka sii-heysa ay ku ansixisay golaha adeegga garsoorka iyo hay’adda batroolka.

Madaxweyne Deni ayaa sharci darro ku tilmaamay tallaabada ay qaadeen xukuumadda xilka sii-heysa, maadaama aysan sharciyad u heysan inay gaaraan go’aano masiiri ah, Puntland aysan aqoonsayn doonin golayaashaas.

Beesha caalamka ayuu uga digay inaysan iibsan khayraadka Soomaaliya oo dadkii lahaa ku heshiin.

” Caalamka waxaan u sheegayaa hantida dadka Soomaaliyeed iyadoo heshiis ku ahayn cidii gadata iyadaa masuul ka ah” ayuu madaxweyne Deni

VIDEO

SAWIRO

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *