Mahdi Guuleed Oo Xariga Ka Jaray Machadka Sare Ee Daraasaadka Amniga – SAWIRO

Published: August 2, 2020

Sii hayaha xilka Raysal wasaaraha Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xarigga ka jaray machadka sare ee daraasaadka amniga oo ah hay’ad talciin sare oo dowladdu leedahay.

Ujeedada machadka loo aasaasay ayaa ah kobcinta heerka aqooneed, midka xirfadeed iyo ogaalka xubnaha laamaha amniga ee dowladda, iyo in hogaanka sare ee dalku ay helaan talo bixin iyo gorfeyn cilmiyeysan ee ku saabsan amniga qaranka.

Mahdi Maxamed Guuleed, wuxuu sheegay in furitaanka machadkaan ay ka dhigantahay tillaabo weyn oo loo qaaqay hagaajinta amniga dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *