Afghanistan: Weerar lagu qaaday Xabsiga Weyn ee Jalalabad

Published: August 3, 2020

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay weerar shalay gelinkii danbe ay ku qaadeen kooxda Daacish xabsiga weyn ee magaalada Jalalabad ee bariga dalka Afghanistan.

Weerarkan oo socday illaa xalay wakhti danbe ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen 24 kamid ah maxaabiista iyo ciidamada goobtaasi ku sugnaa.

Sadex qarax oo ismiidaamin ah ayuu ku bilwoday weerarkan oo ay sheegatay kooxda Daacishta dalka Afghanistan.

Waxaa la rumeysan yahay in weerarkan uu yahay mid ay Daacish uga aargudaneyso dilkii loo geystay hogaamiyaha Amniyaatka kooxdaasi oo ay dhawaan dileen ciidamada dowlada.

Qaar kamid ah Maxaabiista ku xirnaa xabsiga Jalalabad ayaa la sheegay inay baxsadeen kadib qaraxyadii halkaasi ka dhacay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *