Day-yoowga Siyaasiga Maalmaha u danbeeya Muddo Xileedkiisa!!. MAQAAL

Published: August 3, 2020

Xilka Siyaasadu waa Mas’uuliyad balaaran, Waana waddo soo jireen ah inay yeelato khalad iyo Saxba wakhtiga Muddo Xileedka, sidoo kalena Sooyaal taariikheed oo isdaba Socda, Mana jiro Siyaasi heli kara Xalka waara bilow iyo dhamaad.

Inta badan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed wakhtiga hore ee Muddo Xileedkooda waxay galaan Wakhti aan ku Magacaabi karno wakhtiga macaan ee muddo Xileedka, Sanadaha dheer ee Xilka loo dhaariyey ayaa ugu muuqda kuwa aad u badan, Wuxuuna inta badan Siyaasigaasi Sanadaha hore ku socdaa Wakhti Qorshe la’aan ah.

Inkastoo ay jiraan Siyaasiyiin fara ku tiris ah oo iyagu horey ka bilaaba Qorshaha Muddo Xileedka kadib, Hadana waxaa jira Siyaasiyiin badan oo soo baraaruga wakhtiga Muddo Xileedkiisu sii dhamaanayo, Siyaasiyiintaas waxaa Xasuustooda kusoo noq-noqda Maalmihii wacnaa ee Muddo Xileedkooda oo qarka u saaran inay dhamaadaan, Waxaana hor yimaada Mustaqbalka Cusub ee Xil la’aanta oo uusan garaneyn, isla markaana uusan wax Qorsha ah u lahayn, Sidaasna waxaa ugu dhaca Xanuunka Caanka ah ee Day-yowga.

Siyaasiga marka Muddo Xileedkiisu uu Gabaabsiga noqdo Talada ayaa ka wareerta, hadba meel ayuu isku qaadaa, Fekerka ugu weyn ee Maskaxdiisa ruxaya waa sidii uu Kursiga u xajisan lahaa ama uu u diyaarin lahaa Qorshe uu markaas u arko in isaga dib loogu soo dooran karo.

Siyaasiga uu haleelay Xanuunka Day-yowgu Wuxuu ka isku dayaa inuu is-muujiyo, Wuxuuna lasoo baxaa wax u eg wax qabad aan horey loogu baran, Waxaa had iyo jeer hor yimaadaa Wakhtiyadii Fiicnaa, Waxaana dhacda in Shaashadaha Saxaafadda ay kasoo muuqdaan kuwa aan horey looga baran.

Siyaasiga dayeysan wuxuu hadba meel isku qaado Ugu danbeyn wuxuu Fekerkiisa iyo taladiisa kusoo aruuriyaa inuu Muddo Xileedkiisa kordhisto, isaga oo markaas keenaya oo soo bandhigaya Duruufo aysan indhihiisu qaban wakhti Xileedkiisii.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee wakhtigu kasoo dhammaanayo aanad moodo inay hadda soo baraarugeen Fekerkooduna yahay kaliya Muddo Kordhin, ha Ogaadeen inay horey u dayaceen Howlaha ay hadda ku hadaaqayaan wakhtigii Muddo Xileedkooda.

Sidoo kale Siyaasiyiintaas u arka in Muddo kordhin loo sameeyo Xilkooda dhamaadka ah ay Gacantooda ku jirto, ha ogaadeen inay la mid yihiin Ganacsade Raashinkii dhacay Taariikhda Jawaanada ku qoran ka badalaya iska markaana raba inuu Suuqa u iibgeeyo.

Dowlad dhisidda Soomaaliya meel dheer ayaa laga keenay waxayna soo gaartay in Afartii Sanoba mar Doorasha loo dhan yahay la qabto, Siyaasiga wax kale doonayana ha ogaado inuu ligligayo Albaab oo xiran oo Furihiisii maqan yahay.

W/Q Hon Said Surcad.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment