Microsoft oo dooneysa inay gadato Tiktok

Published: August 3, 2020

Shirkada Microsoft ayaa Axadii shalay shaacisay inay weli u socdaan wadahadalka ay doonayaan inay kula wareegaan Shirkada Tiktok qeybteeda Maraykanka.

Warka kasoo baxay shirkada Microsoft ayaa kusoo beegmay xili Jimcihii lasoo dhaafay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku hanjabay inuu wadanka Maraykanka ka mamnuuci doono isticmaalka Tiktok.

Aalada Tiktok ayey inta badan isticmaalaan dhalinyarada, hase-yeeshee Sirdoonka Maraykanka ayaa horey u sheegay in APP-kaas ay leedahay Shirkada ByteDance oo xarunteedu tahay China loo adeegsan karo wax basaasida iyo arurinta xogta dadka isticmaala.

In ka badan 1 bilyan oo qof oo caalamka ku nool ayaa isticmaala barnaamijkaasi filimada kooban ee telefonada lagu duubo, in ka badan 172 milyan dadkaasi Tiktok isticmaala ayaa ku nool Maraykanka.

Madaxa Shirkada Microsoft Satya Nadella ayaa kala hadlay Madaxweynaha Maraykanka qorshahooda ay ku damacsan yihiin inay kula wareegaan Tiktok, Microsoft ayaa sheegtay inay rajeenayaan in wadahadalka u socda uu soo dhamaado bartamaha bisha September.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *