Muqdisho: Naftii Halige isku qarxiyay Makhaayad ku Taala Xamar-Jajab

Published: August 3, 2020

Laba Qof ayaa ku dhintay hal qofna wuu ku dhaawacmay Qarax uu fuliyay nin naftii halige ah oo xirnaa jaakadda walxqaha qarxa oo isku qarxiyay Albaabka laga galo Makhaayada Luul Yamani Dagmada Xamarjajab ee gabalka Banaadir.

Qofka isqarxiyay ayaa rabay in uu gudaha u galo makhaayadda si uu ulaayo dadka shacabka ah ee ka cunteynayay Maqaayadda, hasayeeshee mid kamid ah ilaalada maqaayadda ayaa isku duubay dhagarqabaha kaasoo markiiba qaatay go’aan ah in uu isku qarxiyo isla halkii lagu qabtay.

Ciidamada Ammaanka ayaa gaaray goobta uu ka dhacay qaraxa naftii halignimada ah, iyagoo ku howlan gudashada waajibaadkooda.

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in Ruux nafti halige ah uu goordhaw isku qarxiyay maqaayadda Luul Yemani ee ku taala degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir halkaas oo dad shacab ah ay ka cunteynayeen xiligaas.

“Qof Ismiidaamiye ah ayaa isku qarxiyay Maqaayadda #Luul #Yamani ee ku taala Degmada Xamar Jajab, wixii ka Soo kordhana Waan idinla socodsiindoonaa” ayuu yiri Afhayeenka ciidanka Booliiska Gaashaanle Saadaq Aadan.

Taliska Boolisku wali faah faahin kama bixin khasaaraha ka dhashay qaraxa cadawgu ku beegsaday maqaayadda dib ayaan idinkaga soo gudbi doonaa faah-faahinta insha allaah.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *