Soomaaliya oo dib u fureysa duulimaadyada Caalamiga ah

Published: August 3, 2020

Maanta oo Isniin ah 3da Agoosto ayaa lagu wadaa inay dib u bilaabmaan duulimaadyadii caalamiga ah ee tagi jiray dalka Soomaaliya, kadib 4 bilood oo xayiraad ah.

Dowlada Soomaaliya ayaa joojisay duulimaadyada caalamiga ah dhamaadkii bishii Maarso xili uu si weyn u faafayey cudurka Covid19, waxaana dhawaan dib loo furay duulimaadyadii gudaha wadanka Soomaaliya.

Caalamka, tirada dadka uu ku dhacay cudurka Covid19 ayaa hada mareysa 18 milyan oo qof, halka in ka badan 10 Milyan oo qof la sheegay inay ka bogsadeen cudurkan sida fudud u faafa.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in cudurkan ay u dhinteen dad gaaraya 93 qof, walow tirada dhabta ah la rumeysan yahay inay intaasi ka badan tahay.

Wuxuuna cudurkan hada faro-ba’an ku hayaa dalal badan oo ay ku jiraan Maraykanka, Brazil iyo India.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *