Diyaarad sahay u sidey ciidanka Kenya oo burburtey

Published: August 4, 2020

Diyaarad nooca xamuulka ah ayaa ku burburtey goornka diyaaradaha magaalada Dhoobley ee gobolka jubada Hoose.

Diyaaradda ayaa sahay u sidey ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Jubada Hoose, kuwaas oo ku hawlgala magaca AMISOM, sida ay sheegtey qaar kamid ah warbaahinta Kenya.

Shilka ayaa dhacay kadib markii ay diyaarado soo degtey oo ay ku ordeyso dhabaha diyaaradda, waxaana ku nafwaayey duuliyihii diyaaradda, halka ay ku dhaawacmeen shaqaale saddex gaarayey oo saarnaa diyaaradda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *