Lebanon: Qarax-weyn oo ka dhacay Beyruut – VIDEO

Published: August 4, 2020

Khasaaro weyn ayaa ka dhashay Qarax aad u weyn oo goor-dhaweyd ka dhacay dekada caasimada Lubnaan ee Beyruut.

Wararka kasoo baxay Dowlada Lubnaan ayaa sheegaya inuu dab qabsaday Bakhaar weyn oo lagu keydinayey Baaruuda, dabkaasi kadib ayaa waxaa dhacay Qarax aan horey loo arag oo gaaray dhamaan xaafadaha magaaladaasi.

Tirada khasaaraha ayaan weli si dhab ah loo ogeyn, balse waa mid baaxadleh, waxaana amar lagu siiyey dhamaan isbitaalada magaalada ku yaal inay u diyaar garoobaan dhaawaca oo la sheegayo inuu aad u badan yahay.

Muuqaalka laga duubay qaraxan ayaa muujinayey hirarka qaraxa oo ahaa mid aan horey usoo marin magaalada Beyruut oo horey usoo aragtay dagaalo badan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *