Lebanon: Khasaaraha Qaraxii Beyruut oo sare usii kacay

Published: August 5, 2020

Dowlada Lubnaan ayaa sheegtay inay baaritaan ku wado waxa sababay qaraxii ka dhacay kaydka baaruuda ee ku yaal dekada caasimada Beyruut.

Tirada dhimashada ayaa kor u dhaaftay 100 qof, dhaawaca ayaa ka badan 4000, waxaana weli socda baadi goobka dadka laga cabsi qabo inay weli ku jiraan guryaha burburay iyo kuwa kale ee la la’a yahay.

Qaraxan oo laga dareemay illaa 10km ayaa burbur u geystay xaafadaha ku dhaw dekada, waxaana burbur xoogleh soo gaaray bakhaaradii waaweynaa ee ku dhexyaalay dekada.

Waxaa kamid ah goobaha burburay bakhaaradii lagu keydin jiray cuntada dalkaasi sida kaydka burka oo gebi ahaan burburay, halkaasina waxa ku dhumay kaydkii burka wadankaasi ee 3da bilood ee soo socota, arrintan oo culeys kale saari doonta suuqyada dalkaasi oo muddooyinkii danbe sicir-barar ka jiray.

Dekada Beyruut oo ah isha dhaqaalaha ee Lubnaan, ahna halka laga soo dajiyo 80% wax walba oo dalkaasi la keeno ayaa burburka soo gaaray uu yahay mid aad u balaaran.

Waxaa baaritaan lagu wadaa kaydka baaruuda oo lagu hayey kimikalka laga sameeyo waxyaabaha qarxa oo dalkaasi la keenay sanadkii 2014, balse dowlada diiday inay wadanka lasoo geliyo, dacwada kimikalka oo ay keensadeen ganacsato ayaa weli socotay, waxaana la rumeysan yahay qarax baaruuda ka dhacday bakhaarada ku dhaw goobta kimikalka lagu hayey ay dhalisay qaraxan weyn ee gaaray dhamaan xaafada magaaladaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *