Madaxweyne Deni Oo Gaaray degmada Saaxo

Published: August 5, 2020

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahan safaro ku marayey gobolka Mudug ayaa maanta gaaray degmada Saaxo ee gobalka Mudug.

Waxaa madaxweynaha iyo wafdigiisa si diiran deegaanka ugu soo dhoweeyey dadweynaha deegaanka Saaxo, isagoo kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada, wuxuuna isimada iyo waxgaradka ka waraystay baahiyaha ka jira deegaanka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa kormeeray xerada ciidamada daraawiishta Puntland ee degmada Saaxo, isagoo xariga ka jaray saldhiga booliska degmadaasi, isla markaana dhagax dhigay dhismaha xarumaha adeegyada bulshada sida mashruuca balaarinta dhismaha dugsiga hoose/dhexe, dhismaha dugsiga sare iyo guriga hooyooyinka ee Saaxo.

Madaxweyne Deni ayaa bulshada Saaxo uga mahadceliyay soo dhoweynta wanaagsan, wuxuuna la wadaagay xarumaha dowladdeed ee uu xariga ka jaray, kuwa la dhagax dhigay iyo qorsheyaasha waxqabad ee deegaanka.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyey Puntland ee booqda ee degmada Saaxo ee gobolka Mudug.

SAWIRO

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Walaal saaxo waa degmo ma hoos tagto Degmada Galdogob iska sax qoraalka waa degmo ka mid ah degmooyi ka Mudug.. Saaxo, Galdogob, bursaalax,Galkaio iyo Jariiban