Soomaaliya oo dhanbaal Tacsi ah u dirtay Lubnaan

Published: August 5, 2020

Mahdi Maxamed Guuleed Raysalwasaaraha xilka siihaya ayaa khadka telefonka  kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan Hassan Dayib ayaa uga tacsiyeeyay qaraxii ka dhacay shalay gelinkii danbe caasimadda dalkaasi ee Beyruut.

“…Waxaan si aad ah uga murugeysanahay warka ku saabsan musiibada qaraxa ka dhacay Beirut, Lebanon. Waxaana Alle uga baryaynaa shacabka iyo dowladda aan saaxiibada nahay ee Lebanon in illaahay uu u laab qaboojiyo waqtigan adag ee ay ku sugan yihiin, Somaliyana waxay garab taagantahay walaalahoodi reer Lubnaan…”

Mahdi Maxamed

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *