Facebook iyo Twitter oo tirtiray Muuqaalo uu Trump faafinayey

Published: August 6, 2020

Shabakadaha internetka ee Twitter iyo Facebook ayaa hawada ka saaray fiiramaha uu barahaasi ku faafinayey Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Fariimahan hawada laga saaray ayaa la xariiray been uu faafinayey Trump oo ku aadan cudurka Covid19, Muuqaaladan ayaa waxaa kamid ahaa wareysi uu Trump dhawaan bixiyey oo uu ku sheegayey in Caruurta da’ada yar uusan ku dhicin cudurka Covid19, taasi oo ah ‘ been’ maadaama uu cudurkan horey ugu dhacay caruur badan oo qaarkood u geeriyooday.

Twitter iyo Facebook ayaa ku khasbay Trump inuu ka saaro muuqaalada bartiisa, hadii uu doonayo inuu sii isticmaalo shabakadahaasi arrintaasi oo ay  muuqato inay u hogaansameen kooxda u shaqeysa Trump.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *