Guddoomiye Mursal oo lagu eedeeyey Been-abuur – DOC

Published: August 6, 2020
Cabdi Xaashi Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya

Qoraal dheer oo ka soo baxay Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa loogu baaqey Madaxweynaha, Maxkamadda sare, Hanti-dhawrka guud, in ay baaritaan degdeg ah ku sameeyaan, Sharciga Maareynta Maaliyadda oo Golaha Shacabku wax ka beddel been abuur ah ku sameeyeen.

Xeerka Maareynta Maaliyadda waxaa Golaha Shacabku ansixiyeen bishii Diseembar 2019, waxaana ay u gudbiyeen Aqalka sare oo iyaguna ansixiyey kadib waxaa loo gudbiyey Madaxweynaha. Golaha Shacabku ayaa u fariistey wax ka beddelka Sharciga Maaliyadda isla todobaadkan, waxaana ay si ku talo gal ah uga tirtireen dhamaan awoodaha Aqalka Sare ku lahaa sharciga maareynta Maaliyadda.

Horey ayaa Guddoomiye Mursal u sheegay in Aqalka sare aanu wax awood ah ku lahayn sharciga doorashooyinka oo ahaa sharcigii ay wada dejiyeen isaga oo sheegay in uu heley qodobka 27, kaas oo lala akhrinaayo qodobo kale maadaama baarlamaankii 8aad uu hayey shaqada Aqalka sare.

Aqalka Sare ayaa ku eedeeyey in Guddoomiye Mursal uu 25 qodob wax ka beddeley, kuna been abuurtey sharciga saxda ah ee horey loo ansixiyey.

Hoos ka akhri doodan oo faahfaahsan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *