Lebanon: 300.000 qof oo ku baro-kacay qaraxii Beyruut

Published: August 6, 2020

Waxaa socda gargaarka caalamiga ah ee loogu gurmanayo dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxii ka dhacay caasimada dalka Lubnaan ee Beyruut.

Tirada Dhimashada illaa iyo hada waxa la xaqiijiyey inay gaareyso 135 qof, dhaawaca ayaa ka badan 5000.

Khasaaraha qaraxan geystay ayaa laga soo sheegayaa dhamaan xaafadaha magaaladaasi, waxyeelada qaraxa ayaa xataa gaartay Madaxtooyada dalkaasi iyo Madaarka Beyruut oo aad uga fogaa goobta uu qaraxa ka dhacay ee dekada magaaladaasi.

Qaraxan ayaa xataa laga dareemay Jasiirada Qubrus oo 160km u jirta Beyruut.

Gudoomiyaha Gobalka Beyruut Marwan Abboud ayaa sheegay in khasaaraha hantida inuu ka badan yahay $15 Bilyan oo dollar.

Dalkaasi ayey gaareen deeqo ka yimid dalalka Turkiga, Qatar, Iran iyo France, waxaana jira wadamo badan oo balan-qaaday inay dhawaan wadankaasi u diraan gargaar caafimaad iyo cunto.

Wadanka Lubnaan ayaa 80% cuntada ka keensada dibada, waxaana lagu kaydin jiray cuntadaasi dekada oo iyadu burburtay, arrintan oo kusoo beegmaysa xili wadankaasi uu ka jiray sicir-barar xargaha goostay iyo saameynta cudurka Covid19 oo sidoo kale hoos u dhigay dakhligii kasoo geli jiray dalxiiska.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *