Lebanon: Kimikalka Qaraxii Beyruut waxaa loo waday dalka Mozambique!

Published: August 6, 2020

Dowlada Lubnaan ayaa wada baaritaanka Qaraxii Salaasadii ka dhacay caasimada Beyruut oo burburka baaxadleh geystay.

Waxaa xabsi guri la geliyey qaar kamid ah Mas’uuliyiinta loo heysto inay kaydka ku hayeen Kimilka (Ammonium Nitrate) ee halista ah ee qaraxan sababay.

Kimikalkan ayaa la sheegay in dalka Lubnaan la keenay dhamaadkii sanadkii 2013 horaantii 2014, waxaana waday Markab laga leeyahay dalka Georgia.

Kimikalkan ayaa markii hore loo waday wadanka Mosambiik (Afrika).

Markabka kimikalka waday oo soo maray Istanbuul (Turkey) kuna sii jeeday Bariga-Afrika ayey dowlada Lubnaan xirtay iyadoo ku eedaysay inuu jabiyey sharuuc, waxaan lagu xukumay Ganaax.

Waxaa la sheegay in naakhuudayaashii Markabkaasi ay baxsadeen sanado kahor kadib markii la bixin waayey lacagihii lagu lahaa, tan iyo xiligaasi ayaa Kimikalkan halista ah lagu hayey bakhaarada kaydka Dekada Beyruut.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *