Puntland Oo Beenisay Markab Kusoo Caariyey Dekeda Boosaaso

Published: August 6, 2020

Dowlada Puntland ayaa beenisay warar sheegaya inay ciid buux dhaafisay dekeda weyn ee magaalada Boosaaso, kadib markii shalay markab wadey shixnad ganacsi oo u rarnaa ganacsatada Puntland uu ka leexday marinkii loogu talagalay ee dekeda.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda dekedaha Puntland Yaasiin Cartan ayaa sheegay in warar been abuur ah lagu faafiyey baraha bulshada, dekeda Boosaasona ay sideedii u shaqaynayso isla maanta oo khamiis ahna uu markabkaasi si nabad ugu soo xirtay dekeda Boosaaso.

” Dekedda wax dhibi kama jirto, wax isbedel ahi kama jiraan, maraakiibtii soo gali jirtay waa soo gelaysaa, biyuhu waa sidoodii….ilaa iyo xalay ilaa shalay galab waxaan ku arkaayey baraha bulshada hadalo dad aan leeyahay qaarkood ama ujeedooyin bay leeyihiin amase waxgarad maaha, soo dhigdhigaya warar beena oo leh dekedu wey xiran tahay ” ayuu yiri wasiir Yaasiin.

Wuxuu intaasi raaciyey maadaama uu markabku ku cusbaa dekeda ay sababtay inuu ka leexdo marinkii loogu talagalay maraakiibta.

Qaar kamid ah madaxda shirkadda Barwaaqo ee markabkan sidey shamiitada u rarnaa ayaa walaac ka muujiyey caqabada ku timid ganacsigooda.

Ugu dambayn dadaal badan kadib saaka ayuu markabkaasi kusoo xirtay dekeda magaalada Boosaaso.

Hoos ka daawo

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *