Qoor Qoor: Shirka Dhuusamareeb 3 wakhtigiisa ayuu ku dhacayaa!

Published: August 6, 2020

Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye (Qoor-Qoor) oo safar ugu baxay shalay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa sheegay in uu weli ku taagan yahay qorshaha shirka loo balansan yahay inuu ka dhaco caasimada Galmudug.

Shirka Dhuusamareeb 3 oo ay Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ku heshiiyeen inuu dhaco 15ka bishan Agoosto ayaa waxaa shaki weyn geliyey qabsoomidiisa xiisadii ka dhalatay xil ka qaadistii Raysalwasaare Xasan Cali Khayre, wax yar kadib markii Madaxweyne Farmaajo kasoo noqday shirkii Dhuusamareeb 2.

Madaxweynaha Galmudug oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa kulamo la yeelanayey Villa Soomaaliya iyo Mas’uuliyiinta Beesha Caalamka, ayaa sidoo kale la kulmay qaar kamid ah hogaamiyayaasha xisbiyada mucaaridka ah.

Kulamadan ayaa waxaa garab socday warar dadku isla dhexmarayaan oo sheegaya in Villa Somaliya dooneyso in dib loo dhigo shirka Dhuusamareeb ama gebi ahaan meesha laga saaro kulankaasi oo lagu balansanaa in looga dhawaaqo qaabka ay noqon doonto doorashada 2020/21.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa shalay intuusan ka dhoofin Muqdisho sheegay inuu si deg degleh dalka ugu soo noqon doono isla markaana qorshaha uu yahay inuu shirkaasi wakhtigiisa ku dhaco, isagoona ku booriyey dhamaan dhinacyada siyaasada in laga  fogaado wixii caqabad ku noqon kara shirka loo balansan yahay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *