Xukuumadda kalsoonida lagala noqdey oo ansixisey sharciga maalgashiga

Published: August 6, 2020

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee aan kalsoonida haysan ayaa sii wadey anisixnta sharciyada taabanaya masiirka dalka. Xukuumadda ayaa maanta oo khamiis ah ansixisay sharciga habraaca dib u habeynta ciidanka xoogga dalka, sharciga maalgashiga iyo maalgashadayaasha iyo sharciga ilaalinta bulshada.

Golaha wasiirada ee aan kalsoonida haysan, ayaa meel mariyay hindise sharciyeedka maalgashiga iyo maalgashadayaasha iyo siyaasadda ilaalinta bulshada, Sharciga maalgashiga ayaa sanadkii 2015 Baarlamaankii xiligaas anisixyey waxaase ka dhinaa sharciga maalgashadayaasha, sharcigii hore oo dhan ayaa wax badan laga beddeley.

Todobaadkii hore ayaa Golaha Wasiirada ee Xukuumadda kalsoonida lagala noqdey ay meel mariyeen dhismaha hay’adda batroolka iyo guddiga adeega garsoorka, taas oo wax badan la iska weydiiyey sharciyadda ay ku dhisan tahay maadaama xukuumadda oo dhan ay la dhaceen Raysalwasaare Xassan Cali Kheyre, ayna yihiin kuwo xilka ku simaya Xukuumadda cusub.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *