Lebanon: Madaxweynaha France oo booqday Beyruut balanqaaday Taageero

Published: August 7, 2020

Madaxweynaha France Emmanuel Macron ayaa Khamiistii gelinkii danbe booqday magaalada Beyruut ee caasimada Lubnaan oo ay salaasadii ka dhaceen Qaraxyo Kimikal burburiyey inta badan magaaladaasi.

Ciidamada Lubnaan ayaa xiray 16 sarkaal oo kamid ahaa maamulka dekada Beyruut, waxaana magaaladaasi ka bilowday mudaharaadyo looga soo horjeedo musuq maasuqa dowladaasi.

Shacabka Lubnaan ayaa soo dhaweeyey imaanshaha Madaxweynaha France iyagoo ka rajo dhigay dowlada Lubnaan oo ay ku eedeeyeen musuq maasuq. Shacabka Lubnaan ayaa codsanaya in khubaro caalami ah baaraan qaabka shilkan u dhacay.

Macron oo booqday xaafadaha burburka xoogan kasoo gaaray qaraxyadii ka dhacay Dekada magaaladaasi ayaa sheegay in wadankiisa uu garab taagan yahay shacabka Lubnaan isla markaana balanqaaday kaalmo iyo mucaawinooyin kala duwan.

Macron ayaa dhinaca kale sheegay in lama huraan ay tahay in lala dagaalamo Musuq Maasuqa si wax looga qabto xaalada sicir-bararka iyo dhaqaale xumada lasoo daristay dalkaasi sanadihii lasoo dhaafay.

“…Lacag gacanta uma gelin doono nidaam (Dowlad) aysan shacabka Lubnaan kalsooni buuxda ku qabin…”

Emmanuel MAcron

Hogaamiyaha France ayaa sheegay in dhawaan la qaban doono shirweyne lagu caawinayo dalka Lubnaan, wuxuuna balanqaaday inuu dalkaasi kusoo noqon doono horaanta bisha September.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *