Muqdisho: 8 Askari oo Ku Dhintay Qarax Lala Beegsaday Xarun Ciidan

Published: August 8, 2020

Ugu yaraan 8 Askari ayaa ku geeriyooday Qarax loo adeegsaday gaari walxaha qarax laga soo buuxiyay oo lala beegsaday Saldhig ciidamada Milateriga ku leeyihiin Dhabarka dambe ee garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho.

Wararku waxay intaas ku darayaan in ilaa 15 Askari uu dhaawacyo ka soo gaaray Qaraxan oo ah mid aad u xoog badan oo jugtiisa laga dareemay qaybo ka mid ah xaafadaha magaaladda Muqisho.

Ilaa hadda ma jirto koox sheegatay inay ka dambeeyeen Qaraxa lala beegsaday xerada milateriga federaalka qeybtooda 27aad.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *