QM: Nus Malyuun Qof ayaa ku barakacay fatahaadaha ka dhacay Somaliya

Published: August 8, 2020

Hay’adda QM u qaabbilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in Dad kabadan 150,000 ay ka barakaceen fatahaadihii ka dhacay Soomaaliya tan iyo dabayaaqadii Bisha June ee Sanadkan, kuwaas oo ay ku jiraan 23,000 Qof oo iyaguna la diiwaan-geliyay Todobaadkii lasoo dhaafay.

QM ayaa sheegtay in Dadka ugu daran ee ay fatahaaddu saameysay ay ku nool yihiin degaannada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, halkaas oo ay ku barakaceen in ka badan 650,000 Qof oo u baahan gargaar deg-deg ah.

UNHCR ayaa sheegtay in Dad badan oo kamid ah Barakacayaasha ay ku nool yihiin Guryo ka samaysan cooshado, halisna ugu jira kufsi iyo dhibaatooyinka Isbeddelka Cimilada, kuwaas oo wajahaya cunta la’aan, nafaqa-darro iyo xanuunno uu kamid yahay Shubanka-biyoodka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *