Galkacayo: Isimo iyo Nabadoono Cambaareeyay Dilka Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada Puntland

Published: August 9, 2020

Qaar ka mid ah ah Isimada, Nabadoonada iyo waxgaradka Gobolka Mudug ayaa si adag u cambaareeyay shaqaaqadii ka dhacday Magaalada Galkacayo, taasi oo lagu dilay Taliyhii ciidamada Madaxtooyada Col. Cismaan Cumar iyo Askari kale

Odoyaashu waxay sheegeen inay aad iyo aad uga xun yihiin shaqaaqada ka dhacday Galkacayo, waxayna ka tacsiyeeyeen geerida taliyihii Ilaalada madaxtooyada iyo Askari kale

Odoyaashu waxay sheegeen in ku garab taagan yihiin Xukuumadda Puntland in gacanta lagu soo dhigay kuwii ka dambeeyay shaqaaqadii ka dhacday Magaaladda Galkacayo Saaka subaxnimadii.

” Waxaan rabnaa in ragaas la soo qabto, Cadaalada la horkeeno, haddii ay ku dhintaana in beeshu raali ka tahay, waxaan kaloo beeninaynaa in beeshu ku jiraan dagaal, waxaan kaloo beeninaynaa in wax gurmad ah oo ay leeyihiin aysan jirin” sidaas waxaa yiri mid ka mid ah nabadoonada ka hadlay shaqaaqadii Galkacayo.

Habeenkii xalay ayaa ciidanka Amniga ee gobolka Mudug hawlgal ay ka sameeyeen Xerada Kabka ku soo qabteen khamri aad u badan iyo 8 qof oo ka ganacsanaayey iyo hub, xerada kabka ayaa ahayd halka ugu weyn ee kooxaha daroogadu ay saldhigga ka dhigteen isla amrkaana suurta geli weydey in laga saaro.

Ciidanka Madaxtooyada ayaa subaxnimada saakey ah tegey xerada kabka oo ay dib ugu soo noqdeen kuwii xaley laga saarey, waxaana ay halka ka cayriyeen malayshiyaadkii, kadib waxaa goobta yimid maamulka gobolka iyo qaybo kamid ah saxaafadda, sida Horseed Media loo xaqiijiyey markii maamulka gobolka meesha ka tegey, wax yar kadib waxaa yimid gaari kale oo Malayshiyaadkii xerada haysan jirey wateen waxaana ay rasaas ooda uga qaadeen ciidankii Madaxtooyada oo weli ku sugan goobta.

Waxaa isla goobtaas ku dhaawacmey Col. Cismaan Cumar Maxamed Taliyihii ciidanka watey waxaana uu u geeriyoodey dhaawicii soo gaarey wax yar kadib markii isbitaalka la geeyey, sidoo kale waxas weerarkaas ku nafwaayey askeri kale oo ka tirsanaa ciidanka Madaxtooyada dh, waxana ku dhaawacmey weerarkaas ilaa afar askeri oo kale.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *