Madaxweyne Deni oo Ka Hadlay Shaqaaqadii lagu Dilay Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada

Published: August 9, 2020

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida taliyihii Ciidamada ilaalada madaxtooyada oo lagu dilay lagu diley shaqaaqo ka dhacdey magaalada Gaalkacyo subaxnimadii hore ee maanta ee Axadda.

Cismaan Cumar madaxtooyada Puntland
Col. Cismaan Cumar, Taliyaha ciidanka Madaxtooyada Puntland ee ku geeriyoodey shaqaaqo ka dhacdey Gaalkacyo

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu tiiraanyada geerida Alle ha u naxariistee Taliyihii ciidanka Madaxtooyada Puntland Marxuum G. Sare Cismaan Cumar Maxamed iyo Saddex Xarigle Axmed Yuusuf Cabdi la wadaagayaa dhammaan ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland, si gaar ah ciidanka Daraawiishta, gaar ahaan ciidanka Madaxtooyada, eheladii qaraabadii qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyoodey Marxuumku” Sidaas waxaa yiri Afhayeenka Madaxweynaha Jaamac Deperani

Afhayeenka Madaxtooyadu wuxuu sheegay in taliyaha Ciidanka Madaxtooyada uu ku geeriyoodey hawlgal ay ciidanka Madaxtooyadu saaka ka fuliyeen gudaha magaalada Gaalkacayo oo ay kusoo qabteen mukhaadaraad iyo shufti nabadiid ah oo ka ganacsanayey.

Malayshiyaadkan ayaa Gaalkacyo looga yaqaanaa cabtooy, waxaana ay si weyn uga ganacsadaan maandooriyaasha. Ciidanka ayaa ka saarey malayshiyaadka, kadibna waxaa isugu yimid maamulka gobolka oo halkaas saxaafadda kula hadley. Maleeshiyaadkan laga saaray xerada oo wata Gaari tikniko oo saarnaayeen lix nin ayaa weerar gaadmo ah ku soo qaaday ciidamada Madaxtooyada halkaasi oo ku dileen Taliyaha iyo Askari kale.

dhanka malayshiyaadka weerarka ku qaadey ciidanka waxaa ka geeriyoodey hal qof, waxana ku dhaawacmey weerarkaas ilaa afar askeri oo kale.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *