Sarkaal Alshabaab u qaabilsanaa Deegannada Awdheegle,Mubarak iyo Daarusalaam Oo La Dilay

Published: August 9, 2020

Taliska Ciidamada Milateriga dowladda Federaalka ayaa sheegay inay dileen horjoogihii Al–shabaab u qaabilsanaa deegannada Awdheegle,Mubarak iyo Daarusalaam ee gobolka Shabeellaha Hoose

Horjoogahan oo magaciisa la oran jiray Cismaan Gaab ayaa lagu dilay howgal Ciidan oo ka dhacay duleedka deegaanka Awdheegle ee gobalka shabeellaha Hoose sida uu warbaahinta dowladda u xaqiijiyay Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raage oayaa sheegay in ay howlgal maanta ciidanka xoogga dalka ka fuliyeen shabeellaha Hoose ku dileen horjoogihii kooxda nabad-diidka uqabilsanaana deegaanada Awdheegle,Mubarak iyo Daarusalaam ee Shabeellaha Hoose .

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa ka howlgala inta badan tuulooyinka iyo dhulka miyiga ee gobolka Shabeelaha hoose.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *