Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada Puntland oo lagu Dilay Shaqaaqo ka Dhacay Galkacayo

Published: August 9, 2020
Cismaan Cumar  madaxtooyada Puntland
Col. Cismaan Cumar, Taliyaha ciidanka Madaxtooyada Puntland ee ku geeriyoodey shaqaaqo ka dhacdey Gaalkacyo

Taliyihii ciidanka Madaxtooyada Puntland Col. Cismaan Cumar Maxamed (Itoobiyaan) ayaa lagu diley shaqaaqo ka dhacdey magaalada Gaalkacyo subaxnimadii hore ee maanta ee Axadda.

Habeenkii xalay ayaa ciidanka Amniga ee gobolka Mudug hawlgal ay ka sameeyeen Xerada Kabka ku soo qabteen khamri aad u badan iyo 8 qof oo ka ganacsanaayey iyo hub, xerada kabka ayaa ahayd halka ugu weyn ee kooxaha daroogadu ay saldhigga ka dhigteen isla amrkaana suurta geli weydey in laga saaro.

Ciidanka Madaxtooyada ayaa subaxnimada saakey ah tegey xerada kabka oo ay dib ugu soo noqdeen kuwii xaley laga saarey, waxaana ay halka ka cayriyeen malayshiyaadkii, kadib waxaa goobta yimid maamulka gobolka iyo qaybo kamid ah saxaafadda, sida Horseed Media loo xaqiijiyey markii maamulka gobolka meesha ka tegey, wax yar kadib waxaa yimid gaari kale oo Malayshiyaadkii xerada haysan jirey wateen waxaana ay rasaas ooda uga qaadeen ciidankii Madaxtooyada oo weli ku sugan goobta.

Waxaa isla goobtaas ku dhaawacmey Col. Cismaan Cumar Maxamed Taliyihii ciidanka watey waxaana uu u geeriyoodey dhaawicii soo gaarey wax yar kadib markii isbitaalka la geeyey, sidoo kale waxas weerarkaas ku nafwaayey askeri kale oo ka tirsanaa ciidanka Madaxtooyada dh, waxana ku dhaawacmey weerarkaas ilaa afar askeri oo kale.

Xerada Kabka waxaa horey uga dhacay dagaalo badan, bishii Diseember 2018 iyada oo maamulkii markaas jirey doonaayey in uu gado xerada ayaa waxaa ku dagaalamay, laba malayshiya oo ka soo kala jeeda qabiilada dega gobolka Mudug

Col. CIsmaan Itoobiyaan ayaa horey ugasoo shaqeeyey ciidanka Dowaldda federaalka Soomaaliya, Madaxweynaha Puntland ayaa bishii May 2020 u magacaabey xilka taliyaha ciidanka Madaxtooyada kadib markii taliyihi hore is casiley.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment