Afghanistan: Dowlada oo xabsiga kasii deynaysa 400 maxaabiista Talibanka

Published: August 10, 2020

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa ogolaaday in uu xabsiga kasii daayo 400 oo kamid dagaalyahanada ugu mayilka adag ee Talibanka laga hayo.

Go’aankan ayaa daba-socda talooyinka kasoo baxay shirweynaha Qabaa’ilka dalkaasi yeesheen iyo waliba Maraykanka oo dhawaan heshiis horudhac ah dalka Qatar kula galay kooxda hubeysan ee Talibanka.

Kooxda Talibanka ayaa shardi uga dhigtay wadahadal ay la gasho dowlada Afghanistan in marka hore xabsiga laga siidaayo 400 oo kamid ah xubnaha Talibanka ee horey loogu riday xukumo isugu jira Xabsi daa’in iyo DIL.

Dadaalkan ayaa qeyb ka ah in dib u heshiisiin dhab ah laga hirgeliyo dalka Afghanistan kahor inta aysan ciidamada Maraykanka dalkaasi ka bixin sida la qorsheenayo bisha Abril ee 2021.

Siideynta maxaabiistan ayaa ah mid ay kasoo horjeedaan in badan oo kamid ah shacabka Afghanistan ee eheladooda ku dhinteen weerarada ay kooxdaasi geysato, balse tilaabadan ayaa lagu tilmaamay mid kharaar balse lama huraan u ah in la gaaro heshiis la dhexdhigo kooxdaasi hubeysan iyo Dowlada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *