Lebnano: Banaanbaxyo dowlada looga soo horjeedo iyo Doorasho Deg Deg ah

Published: August 10, 2020

Magaalada Beyruut ee caasimada Lubnaan ayey shalay iyo xalay markale ka dhaceen banaanbaxyo rabshado wata oo ay shacabka dhigayaan, kuwaasi oo looga soo horjeedo dowlada oo lagu eedeenayo inay gebi ahaan ku fashilantay dhinac walba.

Mudaharaadyada ugu xooga badan ayaa ka dhacay nawaaxiga xarunta Baarlamaanka, waxayna xiisadan imaaneysa kadib khasaarihii ka dhashay Qaraxyadii burburka baaxadaleh u geystay Beyruut asbuucii lasoo dhaafay.

Qaraxyadaasi oo kusoo beegmay xili dalka Lubnaan ay ka jirtay xaalad dhaqaale xumo iyo xasilooni daro siyaasadeed keentay in Beesha Caalamka joojiyaan deeqdii ay siin jireen dalkaasi.

Shir dhinaca Zoom-ka ah oo ay shalay yeesheen dalalka Deeq bixiyayaasha iyo Qaramada Midoobay oo xaalada Lubnaan looga hadlay ayuu Madaxweynaha France Emmanuel Macron ku sheegay in laga rabo in reer Lubnaan marka hore hagaajiyaan nidaamkooda maamul, taasina ay tahay wadada kaliya oo ay Beesha Caalamka wadankaasi ku caawin karaan.

Shacabka dalka Lubnaan ayaa intooda badan doonaya in gebi ahaan la bedalo madaxda iyo siyaasiyiinta xilalka ka haya wadankooda, waxaa illaa iyo hada baaqan shacabka ka imaanaya u hogaansamay laba Wasiir oo xilka iska-casilay waana Wasiirada Deegaanka iyo Warfaafinta.

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa Shir ay yeelan doonaan Golaha Wasiirada in looga hadlo in la qabto doorasho deg deg ah oo laba bilood gudahood lagu qabto, si lagu soo celiyo kalsoonida shacabka iyo Beesha Caalamka.

Hase-yeeshee awooda qeybsiga siyaasada dalka Lubnaan ayaa ku dhisan nidaamka 3.5 oo ah Shiicada, Sunnida, Kiristaanka iyo inta kale, nidaamkan oo shacabka dowlada dhaliila ku tilmaameen inuu xilka ku hayo siyaasiyiinta fashilay iyo xasilooni darada dalkaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *