Mahdi Guuleed Oo Xariga Ka Jaray Xafiiska Hubinta Tayada Qalabka Dhismaha – SAWIRO

Published: August 10, 2020

Siihayaha xilka raysal wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta xarigga ka jaray xafiiska hubinta qalabka dhismaha oo qalabeyn casri ah lagu sameeyay, kaas oo qeyb ka qaadan doona tayeynta dhismaha guryaha iyo wadooyinka Soomaaliya.

Ujeedada hir-gelinta xafiiska ayaa salka ku heysa horumarinta tayada dhismayaasha iyo hubinta dhamaan waxybaaha fududeynaya si loo helo dhismayaal tayo leh oo u adkeysan kara dabeylaha, roobabka, fatahadaha iyo dhamaan waxyaabaha burburiya dhismooyinka iyo wadooyinka.

Mahdi Maxamed Guuleed oo ballan qaaday in dowladdu ay ka shaqeyneyso hannaankii xafiiska loo ballaarin lahaa, ayaa shirkada dhismaha kula dardaarmay inay wasaaradda Howlaha guud kala shaqeeyaan hirgelinta dhismayaal leh tayada iyo halbeegga heer caalami.

Dowladda ayaa ku howlan hagaajinta iyo horumarinta dhismayaasha dalka si loo helo waddooyin iyo dhismayaal casri ah oo ka qeyb qaata bed-qabka bulshada, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dib u kabashada Dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *