DP World Oo Sheegtay in 400m Ku Kordhisay Dekeda Berbera

Published: August 11, 2020

Shirkadda DP world ee dalka Imaraadka Carabta ayaa sheegtay inay dhamaystireen dhismaha 400m oo lagu kordhiyay dekeda magaalada Berbera ee Somaliland

Qoraal ay soo dhigeen barta twitterka ee shirkada ayaa laug sheegay in ballaarinta lagu sameeyay dekeda Berbera ay kor u qaadi doonto awooda ay dekedu u leedahay in sanadkii laga soo dejin karo Nus Milyan Konteenar

” Marka ay howlgasho qaybta cusub ee lagu kordhiyay dekeda Berbera, waxay kordhin doonta awooda dekeda oo Sanadkii laga soo dejin karo ilaa 500,000 konteenar” ayaa lagu yiri qoraalka

DP World waxay sheegtay in Dekeda Berbera ay noqon doonto mid ka mid ah dekedaha ugu mashquulka iyo shaqada badan geeska Afrika

Somaliland ayaa Sanadkii 2017dii waxay heshiis 30 sanno soconaya la gashay shirkadda DP World.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *