Israel oo dhabar-ka ka riixaysa Murashaxa la tartamaya Ilhan Cumar

Published: August 11, 2020

Doorashada maanta oo Salaasa ah ka dhaceysa gobalka Minnesota ayaa waxaa muuqata in xildhibaanada Ilhan Cumar oo laga soo doorto magaalada Minneapolis ay loolan adag kula jirto murashaxa la tartamaya oo dhaqaale badan ka helay ururada u ololeeya Israel oo si weyn u doonaya inay ridaan Ilhan Cumar oo ah Xildhibaanadii ugu horeysay oo Muslim ah kana soo jeeda Soomaaliya oo xubin ka noqota Kongareeska Maraykanka.

Ilhan Cumar ayaa laga soo doortaa degmada 5aad waxaana kursigan markan kula tartamaya 4 murashax, walow murashaxa ugu muhiimsan uu yahay nin madaw ah oo horey usoo ahaa Qareen laguna magacaabo Antone Melton-Meaux.

Inkastoo Mr.Antone uusan dhanka siyaasada sidaa uga fogeyn Ilhan Cumar oo ay ka wada tirsan yihiin Garabka bidix ee xisbiga Dimuquraadiga, hadana waxaa ololihiisa doorashada sida weyn dhaqaale uga helay ururada Israel taageera oo naceyb weyn u qaba Ilhan Cumar oo intii ay xilka heysay marar badan si adag uga hadashay siyaasada Israel.

Ilhan oo hada xubin ka ah guddiga Arrimaha Dibada ee Kongareeska Maraykanka ayaa muddo waday olole ka dhan ah Xad-gudubyada ay geystaan dowladaha Israel iyo Sacuudiga.

Murashaxan Antone Melton-Meaux ayaa sanadkan kaliya helay lacag gaareysa $3.2 Milyan oo dollar oo loogu deeqay ololihiisa doorashada, inta badan lacagtan ayaa ka timid ururada hoostaga Israel oo awood weyn ku dhex-leh labada xisbi ee dalka Maraykanka.

Antone Melton-Meaux ayaa ololihiisa si gaar ah diirada u saaray in Ilhan Cumar ay nacebtahay Israel isagoo tusaale usoo qaatay taageerada ay Ilhan Cumar siisay dhaq dhaqaaqa loo yaqaan BDS oo doonaya in Cunaqabateyn la saaro dowlada Israel.

Kooxaha taageera Trump ayaa iyaguna muddooyinkii danbe waday olole ka dhan ah Ilhan Cumar oo ah dhanka Saxaafada, Ilhan ayaa kamid ah xildhibaanada ugu mayilka adag ee xisbiga Dimuquraadiga ugu jira Kongareeska.

Dhinaca kale Ilhan Cumar ayaa weli taageero xoog badan ku dhex leh ururada Isbedal-doonka ah ee Xisbiga Dimuquraadiga iyo kooxaha kale ee garabka-bidix ee Gobalka Minnesota iyo guud ahaan dalka Maraykanka, waxayna taageero ka heshay qaar kamid ah hogaanka xisbiga Dimuquraadiga sida Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Ms.Nancy Pelosi, Senator Tina Smith iyo waliba Guddoomiyaha gobalka Minnesota Governor Tim Walz.

Xog ururinta la qaaday todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa muuqata in Ilhan Cumar weli ka horeyso dhanka cododka murashaxa Mr.Antone oo ah murashaxa ugu soo dhaw, halka sadexda murashaxa ee kale oo kursigaasi u tartameya aysan heysan codod ka badan 1%.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Asc ummadda Soomaaliyeed meel kastood joogtaan. Waxaan jecleystay inaan idinla wadaago xogo sir ah oo laga helay saaxiibo caalami ah iyo qatarta ku soo socota ummadda Soomaaliyeed. Qatartaan halista ah waxaa si wada jir ah u maleegaya waddamada Mareykanka, Ethiopia iyo dawladda Farmaajo. Sida waafaqsan sharciga caalamiga ah ee maamula heshiisyada dawladaha caalamka ay kala sixiidaan, “The Vienna Convention on the Law of Treaties (VCLT)” is an international agreement regulating treaties between states signed on 23 May 1969 and became effective on 27 January 1980 in Vienna, waxaa la saxiixay 23 Maayo 1969 wuxuuna hirgelay 27 Jannaayo 1980 ee magaalada Vienna. Heshiisyada haddii dawladaha gelay baarlamaankooda uusan diidin wuxuu hirgelayaa muddo 2_3 sano gudahooda. Mar haddii heshiiayadaan ay hirgelaan way adagtahay si loo soo celiyo (irrevokable). Tusaale ahaan, kiiskii muranka badda ee Kenya iyo Soomaaliya waxaa lagu fakaday in waqtigii Sheekh Shariif uu baarlamaanka Soomaaliya diiday inkastoo kenya ay heshiiskaas ka diiwaan gelisay Vienna. Taas ayaa u sahashay in Xasan Sheekh uu geeyo ICJ.

    Waxaa hadda nagu socda qiyaano waddan laga gelo tii ugu weyneed. Farmaajo dhowr heshiis ayuu dawladda ethiopia la gelay waana diiday inuu heshiisyadaas baarlamaanka horkeeno. Waxaa sidaas kula taliyey dawladaha Mareykanka iyo ethiopia waana sababta ay u doonayaan in farmaajo sii joogo inta heshiisyadaan ka hirgelayaan.

    Soomaaliyey xasuusta heshiisyadii 4ta dekadood iyo Abiy Ahmed hadalkiisa oo ahaa in “Soomaaliya iyo ethiopia ay hal waddan noqonayaan.” Heshiisyadaas waxay ethiopia geesay kana diiwaan gelisay Vienna si loo waafajiyo “VIENNA CONVENTION ON THE LAW OF TREATIES” which is an international agreement regulating treaties between states. Mar haddii heshiisyadaan hirgelaan lama soo celin karo (irrevokable). Waxaa lagu soo celin karaa oo kaliya in baarlamaanka Soomaaliya diidaa inteysan heshiisyadaan hirgelin.

    Soomaaliyey xasuusta hadalladii madaxweynihii hore ee Mareykanka Mr. Jimmy Carter, 23/25 Aprile 1993 mar uu joogay aftadii loo qaadayey Eritrea inay ka go’do ethiopia: “it is unacceptable that ethiopian pipulation of 100 million not to have a sea port while a country with a populaion of 3 millon to have the longest coast on the continent of Afeica (Somalia)”. Isla hadalkaas waxaa ku celisay u qaabilsanaha arrimaha Africa ee State Department (US Assistant Secretary of State for African Affairs) Ms Jendayi Frazer in 2005 mar ay joogtay xarunta AUda ee Addis Ababa. Hadda, waa sababta Mareykanka iyo UNka ay u doonayaan farmaajo inuu u fuliyo riyadooda gadaalna uga riixayaan inuu sii joogo ilaa 2022. Mar haddii heshiisyadaan hirgelaan farmaajo looma baahna ethiopiana si sharci ah ayey Soomaaliya iyo dekedaheeda kula wareegeysaa. Waa gardarro garab og.

    Soomaaliyey, damiir miyeydaan laheynina oo see ku oggolaateen in qiyaanada intaan la eg indhahiinna hortood lagu gelo. Weligeed yaan dawlad la helin haddiiba dawladnimada aan waddankeena ku dhumaneyno. War dulligan iska qabta intay goori goor tahay. Heshiisyada aan kor ku soo sheegay hirgelitaankooda bilooyin ayaa ka dhiman ee meesha ka kaca. Ilaaheyoow Adaa Marqaati ii ah ee naga badbaadi sheydaamadaan falalkooda.

    Allahuma Ballaqtu.
    Professor Othman Mahmood