Lebanon: Xukuumada oo is-casishay kadib kacdoon shacab

Published: August 11, 2020

Raysalwasaare Hassan Dayb ayaa Isniintii ku dhawaaqay in xukuumadiisa is-casishay, isagoo sheegay in musuq maasuqa ka jira dalkaasi uu ka “Xoog-badan” yahay dowlada wadankaasi.

Go’aanka Raysalwasaaraha ayaa yimid kadib markii 3 kamid ah Golihiisa Wasiirada ay iscasileen, xili ay shacabka wadaan banaanbaxyo rabshado wata oo looga soo horjeedo dowlada.

Banaanbaxyada maalmihii lasoo dhaafay ka socda caasimada dalkaasi ee Beyruut ayaa sii xoogeystay, waxayna shacabka dalkaasi codsanayaan in gebi ahaan la bedalo nidaamka dowladeed ee wadankaasi, macada in iscasilaada xukuumada ay ku qanci doonaan.

Qaraxii burburka xoogan geystay Salaasadii lasoo dhaafay ayaa kusoo beegmay xili ay wadankaasi ka jireen xiisado siyaasadeed iyo sicir-barar xoogleh oo loo aaneenayo  musuq maasuqa dalkaasi ka jira, taasi oo ay usii dheereed Beesha Caalamka oo joojisay deeqdii ay siin jirtay xukuumadaasi.

Dadaalka hada socda ee la doonayo in loogu gurmado kumanaanka kun ee waxyeelada kasoo gaartay qaraxyadii Beyruut ayaa waxaa caqabad ku ah kalsooni darada shacabka ku qabaan xukuumadooda iyagoo codsaday Beesha Caalamka inaysan wax deeq ah soo marin dhanka dowlada.

Dhinaca kale Madaxweynaha Lebanon  Michel Aoun ayaa diidan baaqa shacabka ee ah in Baarayaal kasocda Beesha Caalamka lagu wareejiyo kiiska baaritaanka waxa sababay qaraxyadii ka dhacay dekada magaalada Beyruut.

Madaxweyen Aoun ayaa ka codsaday xukuumada hada iscasishay inay xilka sii heyso illaa laga soo dhisayo xukuumad Kumeel Gaar ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *