USA: Is-rasaaseyn ka dhacday nawaaxiga Madaxtooyada Aqalka Cad

Published: August 11, 2020

Labo qof ayaa ku dhaawacmay is-rasaaseyn ka dhacday banaanka Aqalka Cad xili uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu isniintii shalay jeedinayey shir jaraa’iid, illaaladiisa ayaa kala cararay goobta uu shirka jaraa’iid uu ku qabnayey ee qolka warbaahinta ku sugneyd.

Illaalada Madaxtooyada Aqalka Cad ayaa war kooban oo ay soo saareen sheegeen in hal qof oo rayid ah iyo mid kamid ah illaalada Madaxtooyada isbitaalka loo qaaday, iyagoo sheegay inuu baaritaan ku socda waxa sababay israsaaseynta ka dhacday meel u dhaw u irida laga galo Aqalka Cad.

Trump oo daqiiqado kadib sii watay shirkiisii jaraa’iid ayaa sheegay in illaaladiisa ay hawl wanaagsan qabteen, isla markaana uu sheegay in ciidamada ay toogteen qof hubeysan, balse uusan xog badan ka heyn sida ay wax u dhaceen.

Xogta soo baxaysa ayaa sheegaysa in askari kamid ah illaalada Madaxtooyada uu toogtay qof uu ka shakiyey, walow aan la aqoon in qofkaasi uu hubeysnaa, baaritaanka ayaa la sheegay inuu weli socdo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *