Wasiiradda Maaliyadda Dowlad Goboleedyada iyo DFS Oo Ku Kulmay Muqdisho – SAWIRO

Published: August 11, 2020

Wasiiradda maaliyadda dowlada federaalka iyo dowlada goboleedyada dalka ayaa maanta oo talaado ah ku shiray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kulankan oo uu shir gudoomiyey sii hayaha wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa ujeedkiisu ahaa sidii looga wadashaqayn lahaa nidaamka maamulka iyo maaliyadda dalka loona xoojin lahaa dadaalka deyn cafinta Soomaaliya.

Waxaana kasoo qaybgalay shirka dhamaan masuuliyiinta wasaaraddaha maaliyadda 5ta dowlad goboleed ee dalka iyo madax kale.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *