$55 Milyan oo Baanka Adduunku Bixiyey oo Heshiis Laga Gaarey Sida Loo Qaybsanayo

Published: August 12, 2020

Shirkii billaha ahaa ee u dhexeeyey Wasiirada Maaliyadda Dowladda Feraaalka iyo Dowlad goboleedyada iyo weliba maamulka gobolka Banaadir oo ay soo qaqban qaabisay Wasaaradda Maaliyadda DFS ayaa lagu qabtey Muqdisho taariikhdu markey ahayd 11-12 Agoosto 2020 waxaana laga soo saarey war-murtiyeed.

  1. Qaabka loo wadaagi lahaa dakhliga kabka miisaaniyadda ee laga helay Baanka Adduunka kuna aadan hoos u dhicii miisaaniyadeed ee uu keenay xanuunka COVID-19.
  2. Ansixin nidaam ku aaddan qaab-wadaagga lacagaha loo diro DXDFS, iyadoo guddiga farsamada ay sii falanqeyn doonaan.
  3. U guuridda canshuur furdo oo ku salaysan qiime.
  4. Xoojinta xog wadaagga iyo hormarinta guud ee Maaliyadda dalka.

Waxaa la isku afgartey laguna ansixiyey qodobada soo socda:

  • Si wanaagsan oo lagu wada qanacsan yahay in loo qaybsadey kabkii miisaaniyadda.
  • Hirgelinta nidaam canshuureed oo qiime ku salaysan kaas oo aan lahayn wax canshuur kordhin ah balse muhiimadiisa tahay la jaanqaadka ganacsiga dunida iyo mideynta maamulka furdooyinka dalka.
  • In Dakhliga waddanka loo qaybsado qaab ka duwan qaabkii hore iyadoo arrintan loo saaro guddi farsamo si loo gaaro in wax lagu qaybsadfo qaab la isla oggolyahay.
  • Canshuurtii qaadka ee heshiiskii Garoowe (2.5) waxaa laga dhigay $4.
  • In loo soo bandhigo miisaaniyadda 20201 qaab mideysan oo lifaaq ahaan ku cad.

Lacagta Baanka Adduunku ku kabay miisaaniyadda Soomaaliya ayaa gaaraysa $55 milyan oo dollar, inkasta oo maamulada dalku ay kala ballaaran yihiin kalana miisaaniyad weyn yihiin ayaan war murtiyeedka lagu caddeyn sida loo qaybsadey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. Mar haddaan la caday sidii lacagtaas $55 milyanka ah Maamul goboleedyada Soomaliya logo qaybinlahaa San l sheegin waxba kama soo bixin shirkaas

    1. anigu waxaan ku stalin lana in Aaan laga qaybgalin maamulada dakadaha leh ilaaa ay xisaab celin ka keeenaan lkin Kuwait bilaaa dakadaha ah kuw