al-Shabaab oo weerar ku qaadey ciidamada DFS ee ku sugan Galmudug

Published: August 12, 2020
Galmudug, Bacaadweyn Bacaadweyne
Khariidada halka dagaalku ka dhacay

Subaxnimadii hore ee maanta ayaa dagaal aad u culus ka dhacay deegaanka Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa ka bilowdey degmada Shabellow oo ku dhaw Bacaadweyne ee Koonfurta Mudug, waxaana wararku sheegayaan in al-Shabaab weerarka soo qaadeen, lana beegsadeen ciidamo halkaas ku sugnaa oo ka tirsanaa qaybta 21aad, laakiin waxaa mar danbe u soo gurmadey ciidamo kale.

Qaar kamid ah dadku ku dhaw halka diriirtu ka dhacayso ayaa sheegay in ay weli maqlayaan daryanka hubka culus.

Al-Shabaab ayaa Gobolada Galguduud iyo Koonfurta Mudug waxay kaga sugan yihiin oo ka taliyaan degmooyin dhawr ah sida Xarardheere, Ceelbuur, Ceeldheer iyo qaar kale.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *