Geele oo qasriga Madaxtooyada ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland

Published: August 12, 2020

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ismaaciil Cumar Geele ayaa qasriga madaxtooyada ku soo dhaweeyey wefdigii Puntland ee uu hoggaaminaayey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxaana ay ay halkaas ku yesheen kulan miro dhal ah.

Labada Dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Iskaashi ee Puntland iyo Jabuuti, sida dhinacyada Ganacsiga , maalgashiga iyo guud ahaan horumarka.

Madaxweynaya Puntland oo booqasho ku jooga maalintii labaad Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa safarkiisa inteeda badan la xiriirtaa ganacsiga, hormarinta dekadadaha iyo iskaashiga Jabuuti iyo Puntland.

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗲 𝗦𝗮𝗰𝗶𝗶𝗱 𝗗𝗲𝗻𝗶 𝗺𝗮𝘅𝘂𝘂 𝗸𝗮 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗲𝘆 𝗝𝗮𝗯𝘂𝘁𝗶.
    Mundane Deni waxaa uu si aan horey loo shaacin uu ka dhoofey Gaalkacyo isaga oo aadey dalka Jabuti waxaana la yiri waxaa laga yaabaa in uu dooney jaraafad ciida ka qodo dakada Boosaaso laakiin waxaana loo soo dhaweeyey si maamuus leh waxaa ka horyimid wasiirka arimaha dibada, waxaa loo gogley roog cas, ciidama ayaa salaam siinayey, madaxweyne Geele ayaa ku qaabiley qasrigiisa marka waxaa is weydiin leh mudane Geele danta maanta ka soo gashey Puntland oo
    20 kii sano oo uu ka ahaa siyaasada soomaaliya dalaaliinta ugu muhiimsan marnaba ma uu san siinin qadarinta maanta uu siinayo war maxuu damacsan yahay?
    Haddii aan fiirshey siyaasada soomaaliya maanta ka kareyso waa xasaasi, waxaa waqtigeedii soo dhawaadey xilgii baarlamaanka iyo xukuumadaba, diyaar garowgana waxaad u maleysaa in uu jiro is dhaxyaac, wararka soo baxayo ee ku saabsan shirka shidaalka iyo qeyraadka lagu qabanayo Turkiga oo la isla dhexmaraayo waxaa tagaayo Ethiopia, Qatar, Tukiga, iyo Dawlada Federaalka Soomaaliya. Taasi oo markii labaad ay dowlada Soomaaliya iskaashi mandaqada ay galeyso oo Jabuti ka maqan tahay, shirkii lagu qabtey Jabuti ee dawlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo u ekaadey mid la hilmaamey waayo waxaa loo balansanaa in 15 maalmood gudi isku arkaan, 45 maalmoodna madaxda isku soo noqdaan qabsoomid iska daaye wax soo hadal qaadey ma jirto taasi oo sii socodkiisa Jabuti u ahaan la heed miisaan ka mid ah mandaqada, safiirka mareekanka oo hadalo taagtaagan sheegayo, sidoo kale mundane Karaash asagana Turkigii waa ka soo laabtey, mudane Qoor qoor sidoo kale.
    Hadaba madaxweyne Deni ma waxuu keenayaa jaraafad dekada Boosaaso faagto ama mid Soomaaliya arimaha isku cakiran faagto? Idinka ayaan idiin daayey jawaabta.