Guusha Taariikhiga ah ee Ilhan Cumar – Faallo

Published: August 12, 2020

Xildhibaanada Ilhan Cumar oo Salaasadii loolan adag la gashay 4 murashax oo kula tartamayey kursigeeda Xisbiga Dimuquraadiga ee Golaha Wakiilada ee Federaalka ayaa taageero xoogleh ka heshay kooxaha isbedal-doonka ee loo yaqaan [progressive] iyo Soomaalida ku dhaqan magaalada Minneapolis.

Ilhan ayaa heshay in ka badan 57% cododka halka murashaxa kusoo dhawaa ee Antone Melton uu helay 39%, wuxuuna murashaxaasi aqbalay in laga guuleystay.

Ilhan ayaa laga soo doortaa Degmada 5aad ee gobalka Minnesota waxaana degmadaasi kamid ah magaalada ay Soomaalida ku badan yihiin ee Minneapolis, waxaa sidoo kale degmadaasi ku badan taageerayaasha xisbiga Dimuquraadiga.

Doorashada Guud ee dhici doonta bisha November ayaa ah mid ay si fudud ugu guuleysan karto maadaama degmadaasi codkooda siiyaan murashaxa ku guuleysta tartanka ka dhex dhaca xisbiga Dimuquraadiga.

Ilhan vs Israel

Murashaxiinta ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga ee kursigan doonayey inay ka kiciyaan Ilhan Cumar ayaa waxaa ugu muhiimsanaa Mr.  Antone Melton-Meaux oo ay dhabar-ka ka riixayeen kooxo reer Israel ah oo dhaqaale badan geliyey ninkan oo siyaasada ku cusub horeyna usoo ahaan jiray Qareen.

Antone Melton-Meaux ayaa ololihiisa doorashada xooga ku saaray cambaareynta Ilhan Cumar siyaasadeed arrimaha dibada ee kasoo horjeeda Israel, isagoo sheegay inay kala qeybisay shacabka soo doortay oo ay ku jiraan qawmiyada Yahuuda ee gobalkaasi degan.

Saxaafada Israel iyo kuwa taageera Trump ayaa si weyn u buunbuuniyey murashaxan iyagoo sheegay in Ilhan qarka u saarantahay inay lumiso kursigeeda.

Ololahan iyo dhaqaalahan Antone oo intiisa badan ka yimid meelo ka baxsan gobalka Minnesota ayaa ahaa mid la doonayo in meesha looga saaro Xildhibaanada Soomaalida ah oo kamid ah kooxda loo yaqaan (Squad) ee afarta gabdhooda ee ka tirsan Xisbiga Dimuquraadiga ee sida adag uga soo horjeeda siyaasada Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Taageerada indho-la’aanta ah ee Maraykanka siiyo Israel.

Somali taageertay Antone!

Waxaase jiray tiro Soomaali ah oo xaafadaha Soomaalida ku badan tahay uga ololeesay Antone Melton-Meaux, codkoodana ku taageeray murashaxan oo aan isagu wax balan-qaad rasmi ah u sameyn Soomaalida ku nool Minneapolis.

Hase yeeshee inta badan Soomaalida ku nool deegaankaasi ayaa taageero xoogleh siiyey Ilhan oo difaacatay kursigeeda, waxayna markale ku biiri doontaa murashaxiinta isbedal-doonka ah ee mar 2aad lasoo doortay, sida gabadha reer Falastiin Rep. Rashida Talib oo laga soo doortay gobalka Michigan iyo Rep. Alexandria Ocasio-Cortez oo laga soo doortay gobalka New York.

Taageerada Ilhan iyo Xisbiga Dimuquraadiga

Waxaa sidoo kale taageero xoogleh siiyey Ilhan dadka taageera xisbiga Dimuquraadiga oo ay sumcad-weyn ku dhexleedahay, waxaana kamid ahaa ururada  Yahuud ee iyagu u dooda xaquuqda reer Falastiin iyo siyaasiyiinta caanka sida Senator Berni Sanders, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Nancy Pelosi, Governor-ka Minnesota Tim Walz iyo kuxigeenkiisa, iyo xildhibaano kale oo badan.

Halka Antone Melton-Meaux taageera ugu badan u ka helayey Yahuuda xagjirka ah ee dowlada Israel taageera iyo waliba taageerayaasha Trump oo doonayey inay meesha ka saaraan Ilhan, waxaa xusid mudan in Murashaxan uu qariyey qaar kamid ah illaha ama dadka deeqda dhaqaale siiyey si aan loo wada ogaan cida dhabarka ka riixeysa, waxaana murashaxa laga gudbiyey dacwado la xariira arrintan.

Madaxweynaha Maraykanka Trump ayaa marar badan weeraray Ilhan Cumar iyo saaxiibadeeda uguna baaqay shacabka inaysan soo dooran xildhibaanadan oo uu ku sheegay inay yihiin kuwo Xagjir ah.

Tartanka bisha Novemer ee doorashada guud ayaa la filayaa Ilhaan inay si fudud uga guuleysan doonto murashaxa xisbiga Jamhuuriga oo aan isagu taageero badan ku lahayn deegaankaasi.

Loolanka dhexmaray Ilhan Cumar iyo Antone Melton-Meaux ayaa ahaa mid taariikhi ah oo ay ku baxday lacagtii ugu badneyn, labada murashax ayaa ku bixiyey tartankan in ka badan 4 milyan oo dollar, labada murashax ayaa sidoo kale helayey taageero ka baxsan gobalka Minnesota, waxaana loolankan si gaar ah isha ugu hayey saxaafada Maraykanka.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *