Joe Biden oo Kamala Harris u doortey in ay noqoto Madaxweyne ku-xgeenkiisa doorashada Maraykanka

Published: August 12, 2020

Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga ee Doorashada Maraykanka Joseph Biden ayaa Senator Kamala Harris u soo xushey in ay noqoto Madaxweyne ku-xigeenkiisa ee doorashada dhacaysa bisha nofeember 2020.

Biden ayaa bishii Maarso ballan qaadey in ku-xigeenkiisu noqon doono qof haween ah, kadibna waxaa soo baxdey in uu aad u doonayo gabadh asal ahaan ka soo jeeda dadka madow.

Biden waxa uu yiri markii uu shaacinaayey gabadha noqoneysa Madaxweyne ku xigeenkiisa haddii la doorto.

Sharaf weyn ayay ii tahay inaan ku dhawaaqo in aan soo xushay Kamala Harris oo ah dagaalyahanad aanan gabban, waana mid ka mid ah dadka ugu wanaagsan ee waddanka u soo shaqeeyay.

Joe Biden

Kamala Harris ayaa ah Senator laga soo doorto gobolka California, waa qareen, 55 sano jir ah waxaa iska dhalay Aabe Jamaykaan ah iyo Hooyo Hindi ah, waxaana ay aqalka Senate-ka ee Maraykanka ka tirsaneyd tan iyo sanadkii 2017.

Kamala Harris ayaa gashey taariikhda oo noqotey gabadhii u horeysey ee madow ah ee loo sharraxo jagada xilka madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka.

Waxaa muuqata in Joe Biden uu ka tegey taageerayaashii tirada badnaa ee Bernie Sanders ee isbedeldoonka, kuwaas oo doonaayey in Elizabeth Warren noqoto ku-xigeenkiisa haddii uu doonaayo in uu helo codkooda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *