Madaxweynaha Galmudug Qoor-Qoor oo dib ugu laabtey Muqdisho

Published: August 12, 2020
madaxweynaha Galmudug Qoorqoor

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta dib ugu laabtey magaalada Muqdisho, kadib safar gaar u ahaa oo uu ku tegey dalka Turkiga.

Qoor-qoor ayaa Muqdisho kula kulmey qaar kamid ah guddiga farsamada nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta kuwaas oo aan shaqadooda bilaabin weli, waxaana uu kala hadley sababta ay shaqadooda ugu bilaabi waayeen Dhuusamareeb ee ay ugu sugan yihiin Muqdisho.

Guddiga Farsamo ayaa waxaa isbeddel weyn ku sameeyey Dowladda Federaalka kadib markii ay beddeshey hannaankii loogu heshiiyey Dhuusamareeb 2, ayna tirada uga qaybgalaysa guddiga farsamo gaarsiiyeen 6 xubnood halka horey la isula qaatey saddex xubnood.

Waxaa Muqdisho ku sugnaa qaar kamid ah xubnaha Dowlaad goboleedyadu magacaabeen, kuwaas oo markii horeba degganaa magaalada Muqdisho. Puntland iyo Jubaland ayaa xubnaha ay magacaabeen aysan tegin Muqdisho kadib markii Dowlada Federaalku isku daydey in halkaas guddiga shirkiisa loo weeciyo.

Madaxweyne Qoor-qoor ayaa lagu eedeeyaa in uu ka gaabiyey shaqada iyo masuuliyadda shirka loo ballansan yahay laba maalmood kadib, kaas oo u muuqda mid aan qorshihiisi waxba laga qaban, isla markaana aanu dowaldda federaalka kala hadlin in nidaamka ay u magacaabeyso guddiga iyo farogelinta halka guddigu shirkooda ku qabsanaayo uu baal marsan yahay heshiiskii Dhuusamareeb.

Si kastaba waxaa muuqan calamaado muujin kara in shirku maalinta Sabtida ah ka furmi doono Dhuusamareeb.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *