Maraykanka oo ku baaqey doorasho xilligeedi ku dhacda oo aan muddo kororsi lahayn

Published: August 13, 2020

Iyada oo maalin keliya ka harsan tahay shirkii Dhuusamareeb isla markaana aysan muuqan wax calaamad ah oo muujinaya in shirkaasi qabsoomayo, ayaa safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ay ka hadleen sida ay u arkaan shirka, doorashada iyo muddo kororsiga Dowaldda federaalku dooneyso.

Qoraalka ayaa lagu yiri ;

Waxaan si weyn u quudarayneynaa shirka Dhuusmareeb 3 iyo natiijada ka soo baxaysa. Waxaa loo baahan yahay wadatshi aad u ballaaran iyo isutanaasul dhab ah. Qaabka doorashadu noqoneyso waxa uu u baahan yahay in uu helo taageero Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha xubnaha ka ah Federaalka, Baarlamaanka iyo dhamaan daneeyaasha kale.

Ugu danbeyn ayaa qoraalka lagu soo xirey in doorashadu xiligeedi ku dhacdo, lagana fogaado muddo kordhin.

Si lamid ah, ayaa Midowga Yurub horey u sheegay in aysan sinaba u aqbali doonin doorasho hal dhinac isku dayeen in ay ka soo shaqeeyeen oo aan loo dhameyn.

Dowladda Federaalka ayaa horey uga cabatey in Dowladdaha shisheeye ay ixtiraamaan Diblomaasiyadda, qoraalada caynkan ahna ay soo mariyaan waddooyinka ay lee yihiin ee aysan warbaahinta ku shaacin.

Waa markii labaad ee Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ay ka hadasho arrintan.

Soomaaliya ayaa ku taagan taageerada beesha caalamka dakhli ahaana ma ahan Dowaldda iyo weliba dowlad goboleedyadu kuwo iskaba.

Waxaa jira warar sheegaya in dhaqaale badan oo lagu kabi lahaa miisaaniyadda Soomaalya dib lo dhigey kadib markii si aan sharci ahayn xilkii looga qaadey Raysalwasare Xassan Cali Kheyre.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment