Turkiga oo Maraakiib dagaal soo diray iyo France oo ciidamo soo direysa!

Published: August 13, 2020

Xiisada badda dhexe ee la isku heysto ayaa cirka kusii shareertay kadib markii Turkiga sheegay inuu gaas ka baarayo badda (Mediterranean) oo ay isku heystaan dalal badan.

Turkiga ayaa todobaadkan soo diray Markabka baara Gaaska ku jira badda, iyagoo sheegay inay gaaskan ka baarayaan badda ay isku heystaan Giriiga, arrintan ayaa sii xoojisay xiisada ka dhex taagan EU-da iyo Turkiga oo ku wada jira isbaheysiga NATO.

Giriiga iyo Turkida ayey horey xiisadi uga dhex taagneyd dhanka Qaxootiga soomara Turkey ee usoo gudba Giriiga & Midowga Yurub.

Dhawaan ayey dowlada Turkiga heshiis shidaal iyo gaas baaris ah la gashay wadanka Liibiya, arrintan oo ka careysiisay Faransiiska oo daneenaya batroolka Liibiya, taasi waxaa usii dheer Turkida ayaa hada bilaabay inay gaas ka baaraan badda la isku heysto.

Giriiga oo arrintan ka jawaabaya ayaa isaguna heshiis dhanka badda ah la galay dalka Egypt oo kamid ah wadamada sheeganaya badda bariga Mediterranean ee la isku heysto, si ay uga hortagaan heshiiskii Turkiga iyo Liibiya.

Turkiga, Egypt iyo France ayaa kamid ah dalalka faraha kula jira dagaalka ka socda wadanka Liibiya oo hada isu bedalay mid salka ku haya khayraadka batroolka iyo gaaska.

Dowlada Turkiga ayaa isniintii soo dirtay Markabkooda baara gaaska ee lagu magacaabo [Oruc Reis], markabkan ayey galbinayaan dhowr markab oo dagaal oo uu leeyahay Turkiga, waxayna damacsan yihiin in gaas ay ka baraan badda ay sheeganayaan Giriiga iyo Egypt.

Madaxweynaha France Emmanuel Macron oo maalmahan xiisad kala dhaxeysay Turkiga ayaa xalay khadka telefonka kula hadlay Raysalwasaaraha Giriiga, wadahadalkaasi kadib ayuu Macron sheegay in Faransiiska ciidamo dheeraad ah usoo dirayo badda la isku heysto, xiisadan oo u muuqata inay faraha kasii baxayso.

Midowga Yurub ayaa lagu wadaa inuu shir deg deg ah ka yeesho xaaladan.

Turkiga ayaa sidoo kale sheegay inuu batrool iyo gaas ka baari doono Soomaaliya walow aan la aqoon xiliga uu sidan oo kale u bilaabi doono hawlahan, Turkiga iyo Qatar ayaa dhanka Soomaaliya xulafo ka ah waxayna labadaasi dal daneenayaan gaaska iyo batroolka ku jira Soomaaliya gaar ahaan gobalada koonfurta iyo bartamaha. 

Afgooye!
Qatar ayaa horey u sheegtay inay gaas ka baari doonto nawaaxiga Afgooye oo ah dhulka ay hada mashaariicda wadooyinka ka wadaan Turkida iyo Qatar.

Wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho oo ay dhisayso shirkad laga leeyahay Turkiga ayaa waxaa marar badan weeraray Al Shabaab, walow Dowlada Soomaaliya ay sheegtay in dhawaan Qaraxii ka dhacay Ex-Kontarool Afgooye uu dal shisheeye ka danbeeyey. Ciidamada Haramcad oo ay Turkida tababartay ayaa hada loo xilsaaray inay illaaliyaan laamigaasi la dhisayo.

Golaha Wasiirada Federaalka Soomaaliya ayaa kadib markii la riday xukuumadii Raysalwasaare Khayre si deg deg ah u dhisay Hay’ada Batroolka, arrintan oo laga digay inay horudhac u tahay hawlaha shidaalka iyo gaaska ay daneenayaan dalalka shisheeye.

[Halkan ka akhriso Maqaalkaan horey uga qorney Damaca Turkiga, Qatar iyo Itoobiya ee khayraadka Soomaaliya]

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Erdogan is arrogant, never represented peace loving Turkish people around world. We advise him to back up and to resign as soon as possible Inshaa Allah