Agaasimihii Villa Somalia Dr Nuur Xirsi Fuursade oo xilka iska casiley

Published: August 14, 2020
Dr Nuur Xirsi Fuursade, Agaasimaha Madaxtooyada Dowaldda federaalka Soomaaliya

Agaasimihii Madaxtooyada Soomaaliya Dr Nuur Xirsi (Fuursade) ayaa iska casiley xilka muddo sanad iyo saddex bilood ah kadib markii xilkaas loo magacaabey, sida ay Horseed u xaqiijiyeen ilo xog-ogaal u ah arrinta.

Dr. Fuursade ayaa la sheegaa in uu ahaa ragga sida weyn ugu dhaw Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana uu doonaayey in loo magacaabo xilka Raysalwasaaraha mudada yar ee Dowladda u harsan.

Waxaa jira laba aragti oo kala duwan oo sheegaysa sababta uu isu casiley.

Aragtida kowaad ayaa sheegaysa in Madaxweyne Farmaajo u sheegay in uu aad u jecel yahay in uu Raysalwasaare ka dhigo Dr Fuursade oo ah saaxiib aad ugu dhaw, laakiin Dr Fuursade aanu wax taageero ah ka haysan Galmudug ama beesha uu ka soo jeedo, sidaasna uu uga caroodey oo isu casiley.

Aragtida labaad ayaa sheegaysa in u weli qabo rajo in loo magacaabo raysalwasaaraha sidaasna isu casiley.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Asc horseed waad kumahadsantihiin wararaka aan helo waa casimada galmudug dhuusamareb