Israel iyo Imaaraatiga oo shaaciyey xiriirkoodii Qarsoodiga ahaa

Published: August 14, 2020

Dowlada Imaaraatiga iyo Israel ayaa ku dhawaaqay inay gaareen heshiis ah inay xiriir toos ah yeeshaan, labadan maamul ayaa muddo ka badan 10 sano lahaa xiriir qarsoodi ah balse waa markii ugu horeysay oo ay si rasmi ah ugu dhawaaqaan.

Dowlada Maraykanka iyo Xukuumada Donald Trump ayaa la sheegay inay qeyb ka ahayd heshiiskan oo saxiixiisa lagu wado inay hogaamiyayaasha Imaaraatiga iyo Israel ku saxiixi doonaan Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka.

Heshiiskan ayaa waxaa qeyb ka ah:

  1. Labada dhinac yeeshaan Xiriir Diblumaasi iyo dhismaha safaaradaha
  2. In Israel “hakiso” qorshahii ay kula wareegaysay dhulka yar ee u haray Falastiiniyiinta Daanta Galbeed. Waxaa xusid mudan in israel weli dhulkaasi la wareegi karto goortii ay doonto!
  3. In Israel iyo Imaaraatiga ay yeeshaan xiriir ganacsi iyo maalgashi labada dhinac ah.

Heshiiskan ayaa lagu soo beegay xili Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ay ku socdaan mudaharaad ay shacabkiisa uga soo horjeedaan musuq maasuqa xukuumadiisa, halka Madaxweynaha Maraykanka Trump uu isaguna walaac ka qabo ololihiisa doorashada Maraykanka ee dhaceysa bisha November.

Ma muuqato wax cad oo ay Imaaraatiga ku bedasheen ku dhawaaqida heshiiskan, maadaama xiriirka labada dhinac uu horey u jiray balse ahaa mid qarsoodi ah.

Shacabka Falastiin ayaa ku tilmaamay heshiiskan khiyaano Imaaraatiga kula kacay dadkooda, waxaa sidoo kale heshiiskan cambaareeyey dowlada Iran.

Donald Trump oo shir jaraa’iid uu qabtay heshiiskan uga hadlay ayaa sheegay inuu rajeenayo in dalal kale oo carabta Tujaarta ah ay sidan oo kale heshiis ulla galaan Israel, taasi ayuu yiri oo aan rajeenayno inay ku khasabto Falastiiniyiinta inay heshiiska qeyb ka noqdaan.

Trump ayaa horey gacan weyn u siiyey Israel isagoo u aqoonsaday magaalada Qudus inay tahay caasimada maamulka Yahuuda, arrintaasi oo horey uga careysiisay dunnida Islaamka.

Khaliijka iyo Israel
Waxaa jira dalal kamid ah Khaliijka oo xiriir hoose hada laleh Israel, waxaana kamid ah Sacuudiga, Baxreyn iyo Cumaan, lama oga inay kuwaasi ku dhawaaqi doonaan heshiis ay la galaan Israel.

Dalalka Masar (Egypt) iyo Urdun (Jordon) ayaa horey u ahaa dalalka kaliya oo heshiis la galay Israel lagu joojiyey dagaalkii dhexmaray.

Dalalka Jaamacada Carabta ayaa horey Shuruud uga dhigay heshiis Israel lalaglo in madax-banaani lasiiyo Falastiin, Caasimadooda laga dhigo Bariga Qudus, iyo heshiis dhexmara Israel iyo Siiriya oo horey u dagaalamay.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *