Maxaa laga filan karaa khudbadda Madaxweyne Farmaajo ee Golaha Shacabka?

Published: August 14, 2020

In badan oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo direy fariin qoraal ah oo sheegaysa in maalinta Sabtida ah ee 15 Agoosto ay isugu yimaadaan xarunta ay ku shiraan, waxaana ajanduhu yahay Warbixin Madaxweynaha JFS u jeedin doono Xildhibaanada.

Inkasta oo fariinta Horseed aragtey ay ku socotey keliya Golaha Shacabka ee ah Aqalka hoose ayaan la ogeyn in fariin kale loo direy Xildhibaanada Aqalka sare oo fadhigu noqon doono Baarlamaanka oo wada jira si waafqsan dastuurka.

Waxaa aad la isu weydiinayaa waxa ku soo beegay warbixinta Madaxweynaha xilligan. Madaxweyne Farmaajo waxa uu xiritaankii shirkii Dhuusamareeb 2 ee 22 Luuliyo ka jeediyey khudbad su’aalo badan la iska weydiiyey, waxaana uu ballan qaadey in waxa shirka Dhuusamareeb ka soo baxay uu horgeynayo Baarlamaanka, taas ma dhicin waxa uu Baarlamaanka horgeeyey waxay noqotey in Raysalwasaare Xassan Cali Kheyre la dibaaxo oo birta la dul-dhigo, kadib Madaxweynuhu uu si farxad leh ku soo dhaweeyey, iyada oo aan weli Xassan Cali Kheyre ka soo degin Muqdishona uu magacaabey raysalwasaare kumeel-gaar ah taas oo sharci nimadeeda calamaad su’aal la saarey.

Haddaba Maalinta berri ah ee Sabtida waxaa loo ballansanaa Shirka Dhuusamareeb, waxay ahayd in Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyadu ay wada joogaan Dhuusamareeb, si looga anbaqaado Dhusamareeb 2, doodna laga yeesho wixii guddiga farsamada ee lagu heshiiyey ay soo diyaariyeen taasna ma dhicin.

Qaar kamid ah falanqeeyaasha iyo xeeldheerayaasha arrimaha siyaasadda ee Horseed Media ayaa sheegaya in arrintani tahay mid Madaxweynuhu doonaayo in uu dareenka iyo attentionka uu la wareego, halka wax badan la iska weydiin lahaa fashilka shirka Dhuusamareeb 3 in uu xiligiisi ku qabsoomo si weyn loo wad-wado Madaxweynuhu muxuu sheegi doonaa, waa maxay waxaan weyn ee cirka ka soo dhacay iyo khudbadiisa in maalmahan aad loo wadwado.

Waxyaabaha ay dhici karto in madaxweynuhu ka hadlo ayaa falanqeeyaasha arrimaha siyaasadda ee Horseed Media ku soo koobeen:

  • In uu Baarlamaanka u sheego in lagu khasban yahay in loo hoggaansamo wixii ka soo baxay Dhuusamareeb waddo kalena aysan furneyn iyaguna ay la qaataan sidaas, loona fasaxo in Shirarka Dhusamareeb uu sii wato heshiisna halkaa ka soo bixi doono lagu gawracan yahay.
  • In uu ku adkeysto nooca doorasho ee dalka ka dhacaysaa in ay noqoto hal qof hal cod, inta taas laga gaaroyana baarlamaanku uu guto waajibkiisa hawshana iyaga ku wareejiyo, isaga oo sheegaya cidda keliya ee xaqa u leh arintan in ay tahay baarlamaanka, markaasna baarlamaanku u codeeyo qorshihii Xaliima yareey ee 13 bilood.

Labaddaan taxliil mid ayaa udub dhexaad u noqon doona khudbada Madaxweyne Farmaajo

Waxaa jira qodob kale oo suurtagal noqon kara kaas oo ah.

  • In uu Xildhibaanada hortooda kaga dhawaaqo raysalwasaaraha cusub ee mudada laga sugaayey, isla goobtaasna uu Xildhibaanada markiiba ka dalbado in ay codka kalsoonida siiyaan maadaama wakhtigu aad u yar yahay, sidoo kale qodobkan mid ku ladhan ayaa jira oo ah in uu weydiisto mudada dastuurku siinaayo in raysalwasaare lagu soo magacaabo loo kordhiyo oo uu weli wado wadatashiyo.

Si kastaba falanqeeyaasha siyaasadda ee Horseed Media ayaa sheegaya in khudbadaani tahay mid Madaxweynuhu qiiq isku qarinaayo, oo aysan ahayn wakhtigii loo baahnaa, ee laga doonaayo in uu wajaho arrinta hortaala ee beesha caalamka ee taageerta dalku ay aad uga wel-welsan yihiin soona saareen war-saxafaadeedyo ka badan 7 tan iyo markii uu bilowdey shirkii Dhuusamareeb.

Horseed Media Staff

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *